Wax Walba Oo Aad U Baahan
Tahay Inaad Ka Ogaato Cudurada Galmada La
isugu gudbiyo
Infekshanka galmada la isku
qaadsiiyo wuxuu horseedi karaa cudurada galmada lagu kala qaado. Dawoyinku
waxay ku xiran yihiin baadhitaankaaga.
Badanaa waxa lagu wareera,
infekshanka galmada lagu kala qaado (STIs) iyo cudurada galmada lagu kala qaado
(STDs) xaqiiqdii isku mid ma aha.
Macluumaadka STIs Caabuqyada Lagu Kala Qaado
Galmada (STIs) waa caabuq inta badan u kala gudba dadka oo lagu kala qaado
galmada. Caabuqyadaas waxay sababaan cudurada lagu kala qaado galmada (STDs).
Waxaa jira waxa ka badan 30 nooc oo ah bakteeriyo, fayras, ama jeermisyo sababa
STIs. Qaar kamid ah caabuqyada joogtada ah waxaa kamid ah:
• Caabuqa keena nabarada aagaga xubinta
taranka
• Caabuqa Chlamydia
• Caabuqa Genital herpes
• Caabuqa Jabtada
• Cagaarshow (Hepatitis)
• Infekshanka fayraska ee yareeya-difaaca
jirka ee dadka (HIV)
• Fayraska papilloma ee dadka ku Dhaca (HPV
ama burooyinka xubnaha taranka)
• Caabuqa isfiilatada
• Caabuqa Trichomoniasis
Sidee STIs ku yimaadaa STIs
waxaa sababa jeermis ku dhex nool maqaarka ama
dheecaanka jirka sida shahwada, dheecaan cambarka, ama dhiiga. Jeermisyadaas
waxay geli karaan jira ayadoo u maraaya cambarka, afka, dabada, iyo meelaha
dhaawacyada ah ama meelaha boogaha ah. Jeermisyadaas, sida kuwa sababay
xanuunka ama burooyinka xubinta taranka, waxay qof ka saameeyaan maqaarka
gumaarkaSidee STIs ku yimaadaa STIs waxaa sababa jeermis ku dhex nool maqaarka
ama dheecaanka jirka sida shahwada, dheecaan cambarka, ama dhiiga.
Jeermisyadaas waxay geli karaan jira ayadoo u maraaya cambarka, afka, dabada,
iyo meelaha dhaawacyada ah ama meelaha boogaha ah. Jeermisyadaas, sida kuwa
sababay xanuunka ama burooyinka xubinta taranka, waxay qof ka saameeyaan
maqaarka gumaarka
Xaqiiqooyinka Ku saabsan STIs
• STIs waxa uu ku dhacaa labadaba raga iyo
dumarka, laakiin dhibaatooyinka caafimaad darada ee STIs waxa uu ku badan yahay
dumarka marka loo eego raga.
• Galmada dabada ee aan lahayn kahortag
waxay kor u qaadaa halista dumarku ku qaadi karaan STIs marka loo eego galmada
cambarka ee aan lahayn kahortaga.
• Dumarka, qaar kamid ah STIs ayaa faafi
kara waxa ayna sababi karaan dhibaatooyin caafimaad oo daran.
• Inta badan STIs waa la daaweyn karaa.
Qaar ayaa la daaweyn karaa, laakiin qaar kale waxay sababaan xanuun muddo
dheer.
• STIs way sii faafi karaan xataa haddii
aysan jirin astaamaha caabuqa. Way adag tahay in la oggaado inuu qofku qabo
STI.
• Naag uur leh ama naasnuujisa waxay
caabuqa usii gudbin kartaa cunugeeda.
• STIs kuma faafo taabashada kore, ama ku
fariisashada musqusha, ama inaad barkad ku dabaalato. La hadal dhakhtarkaaga
ama kalkaalisada haddii aad qabto wax su’aal ah ama walaacyo ah
Calaamadaha STI's
Calaamadaha ayaa imaan kara dhowr bari
kadib ama maba imaan karaan muddo dhowr billood ah. Calaamadaha waxaa laga
yabaa inaan la arkin ama aysanba jirin. Calaamadaha dumarka badanaa waxay lamid
yihiin kuwa caabuqa gumaarka ama caabuqa tuubada kaadida. Calaamadaha joogtada
ah waxaa ka mid noqon kara:
• Kaadi gubasho
• Dheecaan cambarka ka yimaada
• Calool xanuun
• Nabaro ama nabaro kasoo baxa xubinta
taranka
• Burooyin
• Finan
• Dhiigbax mudda u dhaxeysa caadada Inaad
isbaarto ayaa ah qaabka kaliya ee lagu oggaan karo lagaagana daaweyn karo
caabuqa saxda ah.
Baarida
Waxaa STIs kaa baari kara dhaqtarkaaga ama waaxda caafimaadka ee deegaankaaga. Waxaad si fudud oonleen oga heli kartaa goobaha iyo xaruumaha baaritaanka. Haddii aad awoodi wayso inaad goob hesho, wac waaxda caafimaadka deegaankaaga si aad meel u waydiiso. Meel badan waxay bixiyaan baaritaan lacag la'aan ah ama mid qiimo jaban.
Daaweynta
Daawo ayaa loo isticmaalaa si loo daaweeyo
STIs. Caabuqa bakteeriyadan sida isfiilatada, caabuqa nabarada keena iyo
jabtada, boqolkiiba 90% waa ay daaweys maan marka antibiyootikada loo qaato
sida dhaqtarku usoo qoray. Caabuqyafa cambarka ee daran, sida fayraska herpes
iyo HIV, lama daaweyn karo.
Daaweyn iyo daawooyin ayaa la isticmaali
karaa si loo xakameeyo calaamadaha loogana hortago cudurku inuu kasii daro.
Haddii lagaa daaweeyay STI raac tilmaamaha daaweyntaada iskana ilaali xariir
galmo illaa adiga iyo lamaanahaaga aad is daaweysaan.
Maxaa dhacaaya haddii aanan helin daaweyn?
Waxaa jira dhowr wax oo dhici kara haddii
aadan qaadan daawo ama aadan dhameyn daawadaada. Kuwaas waxaa kujiri kara:
• Inaad fursada aad ku qaadi karto HIV uu
bato
• Inaad qaado kansarka gumaarka
• Inaad wax dhali wayso ama ma dhaleys
noqoto
• Xanuun daran sida cagaarshoow, xanuunka
beerka (nabaro ku dhaca beerka), kansar ama AIDS
• Dhibaatooyin uur, sida qoonmid
• Hooyadu waxay qaadsiin kartaa ilmaha STI
kahor iyo kadib dhalmada
• Dhibaatooyin dhanka wadnaha ah
• Dhibaatooyin saameyn ku keena maskaxda
iyo neerfaha, sida wareer, dhibaato dhanka socodka ah ama indho la'aan
• Dhimasho
Kahortaga STI
Waxaa jira waxyaabo aad sameyn karto si aad
u yareyso fursada aad ku qaadi karto STI sida
• Inaadan sameyn galmo.
• Inaad 1 qof la sameyso galmo.
• Inaad cinjirka galmada u isticmaasho si
saxan mar kasta iyo xili kasta oo aad sameyneyso galmo.
• Kala hadal lamaanahaaga STIs kahor
galmada.
• Samee baaritaanka miskaha iskana baar STI
sanad kasta haddii aad sameyso galmo.
• Iska ilaali aalkoolada ama muqaadaraadka
kugu sababi kara halista
.png)
0 Comments